Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil”Al-Shabaab waxay u soo dalxiis tagaan Magalada Muqdisho”

Weli waxaa socota hadal jeedinta xildhibaanada Golaha Shacabka kal-fadhiga 4aad kualnkiisa labaad oo xildhibaanadu ay uga hadlayaan amniga dalka.

Xildhibaano dhowr ah oo hadlay ayaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ku eedeyey inay ku fashilantay sugida amniga dalka,isla markaana ay la xisaabtamayaan.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa marka hore sheegay in Dowladda Sacuudiga Soomaaliya ugu deeqday Kunteenarro hub ah,kuwaas oo aan wax laga siin Maamul goboleedyada.

“Aawa Kunteenarradii hubka ahaa ee dowladda Sacuudiga soomaaliya siisay,maamul goboleedyada waa loo diiday,waxan ka cabsi qabaa in sihoose iibiyey,Al-Shabaab waxay usoo dalxiis Tagaan magaalada Muqdisho, Kaddib Markii ay waayeen caburin Kaga timaadda dhanka dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor