Xildhibaan si kulul uga hadlay Dadkii lagu laayay duleedka Warsheekh

Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dadkii isku qoyska ahaa ee xalay lagu laayay duleedka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Carabow oo qoraal soo saaray ayuu si kulul ugu cambaareeyay weerarkii ka dhacay deegaanka xalluulshe ee hoostega Warsheekh, waxaana falkaas uu ku tilmaamay inuu ahaa mid arxan darro oo ka fog diinta Islaamka.

Xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii la laayay oo isugu jiray Hooyo, laba canug oo ay dhashay iyo Habar yartood, kuwaasi oo ku sugnaa hal goob, isla markaana rag hubeysan ay si bareer ah u dileen.

Sidoo kale Xildhibaan Carabow ayaa waxgaradka iyo culumaa’udiinka ka codsaday inay u istaagan sidii wax looga qaban lahaa arrintaas dhacday, isla markaana mar kale aan sababin inay dhacdo fidno kale.

Maamulka degmada Warsheekh ayuu Xildhibaanka ka dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay falkii xalay lagu xasuuqay dadkii isku qoyska ahaa, si mar kale uusan u dhicin dhacdadaas oo kale.

“Waxaan ka codsanayaa maamulka deegaanka, waxgaradka iyo culumaa’udiinka inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas in aanay sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatay in la soo qabto si Cadaaladda loo horgeeyo. waxaan Rajeynayaa in aan iska
kaashano meelna uga soo wada jeysano Xal uhilida Colaadaha kajira Dagmooyinka Warshiiq iyo Cadale” ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Weerarkii ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ayaa waxaa lagu dilay Hooyo, laba caruur ah oo ay dhashay iyo  habar-yartood, halka saddex qof kalena lagu dhawaaqay weerarkaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid argagax leh.

Maamulka degmada Warsheekh ayaa weli ka hadlin weerarkii dadkaas lagu laayay eek a dhacay deegaanka xalluulshe, waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay halkaas ay taagneyd xiisad salka ku heysa aano qabiil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media