Xildhibaan shaaciyay saddex Qodob oo caqabad ku noqday Doorashada dalka

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa shaaciyay caqabadaha adeg ay heysta qabsoomida dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowday 2021.

Xildhibaan Odawaa ayaa marka hore sheegay in Madaxa dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada dalka 17-kii bishii September, balse haatan lagu muransan yahay saddex qodob oo caqabad ku noqday doorashada.

Qodobka Koowaad ayuu ku sheegay inuu yahay arrinta Guddiga doorashooyinka ee dowladda magacaawday oo xusay in laga soo buuxiyay xubno ka tirsan hay’adda NISA iyo shaqaale dowladeed, isla markaana Guddigaas ay kasoo horjeedan Musharaxiinta.

Waxaa uu sheegay Xildhibaan Odawaa in qodobka labaad uu yahay Gobolka Gedo oo dowladda Federaalka ku daabushay Ciidamo badan,  uuna Maamulka Jubbaland dalbaday in Gobolkaas Ciidanka laga saaro si ay doorashada Baarlamaanka uga dhacdo, hayeeshee dowladda dalabkaas aysan fulin.

Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa tilmaamay in qodobka saddexaad uu noqday muranka ka dhashay Guddiga doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay oo magacaawday dowladda, isla markaana loo baahnaa in arrintaas uu ka shaqeyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadda ayuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen in doorashada dalka ku qabtaan waqtigii loogu tala-galay, isla markaana waxaa Madaxweynaha ku sheegay inuu caqabad ku yahay fulinta heshiikii laga gaaray doorashada.

Si kastaba Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada la magacaabay ee doorashada, waxaana sidoo kale dib u dhac uu yimid Jadwal doorasho ay soo saareen Guddiya doorashada heer Federaal oo ay magacaawday dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media