Xildhibaan shaaciyay in Ciidamo badan la geeyay Xarunta Villa Hargeysa

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa sheegay in saakay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho la geeyay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Ilaalada Shacabka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ku sugan Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidanka Ilaalada Shacabka ee la geeyay Xarunta Golaha uu dalbaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

“Maleeshiyaadka Ilaalada Shacabka ee Fahad Yaasiin hoostaga ayaa saakay xarunta Golaha Shacabka la soo dhoobay. Waxaana naloo sheegay in Gudoomiye Mursal dalbaday. Sida muuqata Mursal CIMRI TAGAY AYUU CEEB KU SAGOOTINAYAA” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta waxaa kulan ku yeelan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu kulan jiro.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka, lana diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo Cudurka ah.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegaya in kulanka Maanta ee Golaha uu yahay mid qorshe gaar laga wato, isla markaana lagu doonayo in Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo kordhin loogu sameeyo, waxaana baraha Bulshada hareeyay wararka ku aadan arrinta muddo kordhinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor