Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin ayaa ku guuleystay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka sida guddiga ku dhawaaqay natiijada.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa kamid ah xisbiga UPD oo mucaarad ah iyada oo baarlamaanka ka soo gashay Puntland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddooniyaha Xisbiga UPD XASAN Sheikh Maxamuud ayaa ayaa u hambalyeyay Xildhibaanada.

“Waxaan Alle kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilka culus ee laguu igmaday. Soomaaliya waxay u socotaa dhanka wanaagsan, waxaanna xildhibaannada qaranka ka rajeynayaa dhameystirka geeddiga isbedelka” ayuu yiri Xasan Sheikh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor