Xildhibaan Qarax lagula beegsaday Magaalada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa ku warramaya in Xildhibaan ka tirsan Maamulkaasi Qarax lagula beegsaday meel u dhaw hooyga uu ka daggan yahay Magaalada Jowhar.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray Qaraxa, waxaana Xildhibaanka lagu Magacaabaa Maxamuud Colaad kaasi oo ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee maamuklkaasi Hir-shabeelle.

Warar ugu dambeyay waxaa ay ku warramayaan in Xildhibaanka loola cararay Cusbitaal ku yaalla Magaalada Jowhar, halkaasi oo xaaladdiisa Caafimaad lagu dabiibayo.

Horay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo Qaraxyo lala beegsaday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.