Xildhibaan Odawaa oo iska diiday Xubinimada Guddi uu Magacaabay Guddoomiye Aadan Madoobe

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday ka mdi noqoshada guddi ku meel gaar ah oo goordhaweyd uu Magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Adan Madoobe.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka cudur daartay xubinimada Guddiga la magacaabay, waxaana u mahadceliyay Guddoomiyaha.

“Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Odawaa oo sii hadlayay ayaa sidoo kale waxaa uu farriin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka federaalkasi oo Soomaaliya,taasi oo ku aaddan ilaalinta nidaamka iyo Anshaxa iyo dhaqanka Golaha.

“Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka” ayuu yiri Odawaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Fadhiga Golaha oo lagu ansixinayay Wasiirada Cusub ee RW Xamse ay ka dhalatay fowdo iyo buuq, taasi oo keentay in Xildhibaanada qaar ay faowdo sameeyeen.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor