Xildhibaan Maxamed Idiris “Awaamiirta XFS waa in ay noqotaa mid u tureysa Danyarta aan Afurka heysan”

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay amarka Taliyaha ciidanka boliiska ee ku aaddan wax ka bedelka Babdowga magaalada Muqdisho ee bisha barakeysan ee Ramadaan.Xildhibaanka ayaa sgaaca ka qaaday in amarka Taliyaha uusan aheyn mid loo eegay maslaxadda ummadda ku nool gobolka Banaadir.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in amatka kasoo baxay taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed uusan aheyn mid u daneynaya danyarta aan afurka heli karin.

“Qofka Afurka ka helo Xaafad ka mid ah,
Xaafadaha Waqooyogi Xamar oo asagana ku nool Xaalafadaha kale ee Koonfurta, suura gal uma ahan inuu 7:00 Fiidnimo gurigiisa ku soo gaari karo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliya uu shalay ku dhawaaqay in wax laga be delay Bandowga magaalada Muqdisho oo Marka ay bilaabato bisha Ramadaan laga dhigay in uu dhaqan gali 7:00-fiidnimo kuna egyahay 5:00-aroornimo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media