Xildhibaan Mahad Salaad oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya oo xlay ka hadlayay munaasabad uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir oo aheyd mid loogu mahadcelinayay xildhibanadii ka dhiidhiyay matalaadda gobolka Banaadir ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo.

Marka hore waxa uu sheegay in uu ku ammaanayo dhammaan madaxda dowladda gaar ahaana madaxweyne Farmaajo oo ka dalbaday labada gole matalaad siinta gobolka si hagar la’aan ahna ay uga aqbaleen xildhibaanada golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayuu tilmaamay in uu culeys Siyaasadeed oo weyn uu kala kulmay qabashada Mooshinkii xildhibaanada taas oo ka imaanaysay dowladda gobaleedyada sida uu hadalka u dhigay isaga oo uga mahadceliyay sida uu garab istaagay mataladda gobolka Banaadir.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dalbaday in uu de dejiyo saxiixa matalaadda gobolka Banaadir isaga oo tilmaamay in 13-xildhibaan aysan dhameyn wax ay ku kala dhintaan dadka ku nool gobolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media