Xildhibaan ku taliyey in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Somalia

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay tallo ah in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Amiin Jeesoow ayaa waxaa uu sheegay in dalka uusan u baahneyn Hay’ad Gargaar, hayeeshee uu u baahan yahay mid horumarineysa xoolaha la dhaqdo, beeraha ka shaqeyneysa iyo sida dadka loo barayo abuurka beeraha ee wax soo saarka leh.

Waxaa uu sheegay Xidlhibaanka in aan baahi loo qabin Hay’addaha Gargaarka ee la cararayo Galeyda, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo waxayabaha dadka niyadda ka dilaya oo ula jeeday dadka gacanta laga quudinayo iyo kuwa guryaha wax lagu siiyo.

“Waxaan soo jeedinaa in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Dalkaan uma baahna gargaar ee wuxuu u baahanyahay hormarin hala joojiyo waxayabaha dadka niyadda ka dilaya” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku baaqay in loo soo jeesto in dadka beeraleyda abuur wanaagsan la siiyo iyo qalabkii ay u adeegsan jarista dalagyadda kala duwan ee la beero.

Hadalkaan ayuu Xildhibaan Jeesoow ka sheegay kulan Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media