Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo u geeriyooday dhaawac loo geystay

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea ugu geeriyooday dhaawac tooreey ah oo maanta jimco ah loo geystay.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa waxaa weeray nin mindi sitay oo dhowr goor ka galiyay saableeyda.

Amess oo ahaa 69 jir ayaa ka tirsanaa xisbiga talada UK haya ee Conservative.

Wuxuu baarlamaanka UK ku biiray sanadkii 1983 wuxuuna ahaa rug cadaa dhanka siyaasada oo caan ka ahaa dalka UK

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor