Xildhibaan ka tirsan Maamul Goboleed oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf (Galti).

Marxuumka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Ordogaan ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Xildhibaan Galti.

Geerida Xildhibaan Axmed Sheekh ayaa waxaa xaqijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana geerida ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  dowlad Goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.

Gudddoomiye Maxamed Gacal Nuur ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, qaraabaddii, shacabka reer Galmudug iyo Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Axmed Sheekh Galti, isagoo Alle uga baryay inuu janada firdowsa ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Gacal Nuur ayaa waxaa uu tilmaamay in Marxuumka uu ahaa shaqsi wanaagsan, isla markaana uu kasoo qeyb qaatay shaqooyin kala duwan uu soo qabtay Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media