Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo ku geeriyooday Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya).

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Kalkaal ee ku yaalla Muqdisho, waxaana geeridiisa xaqiijiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale geerida Xildhibaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale, iyagoo tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Aadan Xasan Jamhuuriya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan Jamhuuriyo uu la xanuunsanaa Cudurka Sonkorta, iyadoo ugu dambeyn xalay uu u geeriyooday Cudurkaas, isagoo kamid ahaa Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media