Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Deyniile

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa bilo kadib Guddoomiye cusub u magacaabay degmada Deyniile, kadib markii Guddoomiyihii degmadaas loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee degmada Deyniile loogu magacaabay inuu noqdonCabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble B) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmuudug.

Cabdishakuur Abuukar ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, wuxuuna Jacfar xilkaas haayay muddo dhowr sanno ah.

Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa faray Waaxda shaqada iyo shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir inay dhammeystirto furinta xeerka magacaabista. Xeerkan ayaa dhaqan galaya markii uu saxiixo Guddoomiyaha Gobolka, wuuna saxiixay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista