Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa saakay ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay, hayeeshee waxaa la sheegay in xanuunkii haayay uu saakay u dhintay.

Geerada Marxuum Maxamed Maxamuud ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoona tacsi u diray qoyskiisa.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka Maxamuud Boonow ayaa  waxaa uu sidoo kale ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu Wasiir ka soo noqday dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor