Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo Goor dhow Shil ku geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Goordhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Xildhibaan Cali Axmed Dhahar ayaa shil gaari ku galay duleedka degmada Badhan, isla markaana waxaa soo gaaray dhaawac culus oo la dhigay Isbitaal, hayeeshee daqiiqado kahor ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Geerida Marxuum Cali Axmed ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland Dhoorre oo ku sugan Isbitaalka uu ku dhintay Xildhibaan Cali.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Cali Axmed Dhahar xiliga uu shilka ku galaayay duleedka degmada Badhan ee Gobolka Sanaag uu kusii jeeday tacsida hooyadiis oo dhimatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor