Xildhibaan dhawaan la doortay oo u geeriyooday Cudurka Coronavirus

Xildhibaan dhowaan la doortay ayaa u geeriyooday Covid-19 – waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo u dhinta cudurka.

Luke Letlow, oo Jamhuuriga ka tirsanaa isla markaana 41 jir ahaa, ayaa matalayay degmada 5-aad ee Louisiana waxaana lagu waday in la dhaariyo Axadda soo socota.

Wuxuu 18-kii bishan December ku dhawaaqay in laga helay coronavirus kaddibna isbitaal ayaa loola cararay.

Barasaabka Louisiana John Bel Edwards ayaa amray in maalinta duugta Letlow la dejiyo calanka.

“Waxaan aniga iyo xaaskeyga qoyska xildhibaanka la doortay ee Luke Letlow uga tacsiyeynaa geeridiisa kaddib markii uu ku dhacay Covid-19,” Mr Edwards ayaa sidaasi ku qoray barta Twitterka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media