Xildhibaan Canab Xasan”Qaranka waxaa hortaagan inuu dhismo intaan meesha fadhisa”

Waxaa Maalintii Saddexaad ka socda Xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho kulanka Baarlamaanka kaas oo looga hadlayo xaalada amni ee dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Tiro xildhibaano ah ayaa kulankii Maanta ka hadlay,kuwaas oo dowladda Federaalka ku dhaliilsay inay waxka qaban weysay xaalada amni ee dalka halka qaarkood ay sheegeen in amniga dalka uu yahay mid wanaagsan.

Xildhibaan Canab Xasan oo ka mid ah mudanayaashii Maanta hadlay ayaa waxa y sheegtay in qaranka soomaaliyeed ay hortagan yihiin dhismihiisa Xildhibaanada Baarlamaanka ee kulanka goobjooga ka ah.

” Qaranka waxaa hortaagan inuu dhismo inntaan meesha fadhisa,marka sidee la rabaa in dalka uu ku hagaago,aniga waxaan daawaday koox la magac baxday MACAAWIISLEEY,aabe leh wiilkeyga ayaa la iyiri keen,dowladda ayuu codsi u diray balse kama jawaabin.

Weli waxaa jira xildhibaano kale oo hadalo kala duwna ka jeedinaya kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,iyada oo maanta la filayo in la soo geba gabeeyo doodii ku saabsaneyd amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor