Xildhibaan Barkhad Batuun oo weerar Afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dadkii Somaliland ay maalmo kahor Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo masaafurisay, kuwaasi oo soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga uu ka tirsan ee Waddani ay kasoo horjeedan tallaabada Somaliland ay kusoo masaafurisay dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Carruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal.

Wuxuu caddeeyay Barkhad Batuun in marnaba aysan taageersaneynin raafka Somaliland ku sameeysay dad ku dhow 800 qof oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isla markaana arrintaas aysan u fiicneyn diinta iyo dawladnimada.

Barkhad ayaa laamaha amniga Somaliland ku taageeray inay ku sugaan amniga Magaalada Laascaanood oo uu xusay inay ku bateen falal amni darro oo lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaaladaas, kana mid ahaa Xisbiga Waddani.

Sidoo kale Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Barkhad Batuun ayaa sheegay in Rooble uu yahay Ra’iisul Wasaare reereed oo uusan aheyn Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay inuu maareeyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, balse aan looga baahneyn inuu dhaliilo Somaliland.

“Rooblow haddii dhiigga shacabka Muqdisho waxba aanu agtaada ka ahayn, annaga dhiigga shacabka Somaliland dheeman nagala qaalisan, Laascanoodna munaafaqad kaagama banaana ee maaree mushkiladaha Muqdisho” ayuu yiri Barkhad Batuun oo ka hadlaayay hadalkii uu RW Rooble uga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo raaftay Laascaanood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor