Xiisad u dhexeeysa Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo taagan

Xiisad ayaa ka taagan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee u dhow Magaalada Mandheera ee Gobolk Waqiooyi barre ee Kenya, kaddib markii halkaas la geeyay Ciidanka dowladda Somalia, sida uu shaaciyay Wargeyska Daily Nation ee Nairobi.

Warkan ayaa soo baxay saacado kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya, ayna ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta reer Kenya in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 7 maalmood ah gudahood.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo uu soo xigtay Wargeyska Daily Nation oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya ayaa sheegay inay arkeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo isku diyaarinaya goobo muhiim ah oo ku yaalla xadka u dhaxeeya labada waddan.

“Waxaan ku waabariisannay ciidamo milatari ah oo xadka jooga. Arrintan aad bay noo walwal galisay,” ayuu yiri Mid ka mid ah dadka deegaanka oo uu wargeyska Daily Nation  soo xigtay. Dadka aaggaas ku dhaqan qaarkood ayaa lagu soo warramay inay ka tageen halkaas iyagoo ka cabsi qaba inay khatar ku timaado.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan in Ciidamo lagu daad-gureeyay xuduudka Kenya, xili dowladda ay xiriirkii u jartay dowladda Kenya, kadib markii lagu eedeeyay fara-gelin siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media