Xiisad Diblumaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Saudi Arabia Iyo Lebanon

Koox wasiiro ah oo ka tirsan dowladda Lebanon ayaa Sabtida maanta ah ka wada hadlaya khilaafka dublumaasiyadeed ee sii xoogeysanaya ee ka dhex bilowday Lubnaan iyo boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay boqortooyadu erisay safiirkii Lubnaan u fadhiyay dalkaasi, islamarkaana mamnuucday dhammaanba badeecadaha ka yimaada Lubnaan.

Khilaafkan ayaa ka dhashay hadallo xasaasi ah oo uu jeediyay wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi (Qardaaxi) oo ku aadanaa dagaalka milatari ee Sucuudigu hoggaaminayo ee ka socda Yemen, taasi oo xaalad cakirnaan gelisay dalkaasi, iyadoo loogu baaqayo in Kordahi uu is casilo.

Haddii uu Kordahi is casilo, wasiirrada ay taageerto kooxda Xisbullah iyo xisbiga Amal ee ay xulafada yihiin ayaa laga yaabaa in ay iyaguna is-casilaan, xilli dowladda Lubnaan uu cuuryaamiyay muran ku saabsan baaritaanka qarixii weynaa ee August 2020-kii ka dhacay dekedda Beirut.

Ra’iisulwasaare Najib Mikati ayaa fiidnimadii Jimcaha weydiistay Kordahi in uu tixgeliyo “danta qaranka” Lubnaan, isaga oo ku sigtay in uu weydiisto in uu xilka iska casilo.

Kordahi ayaa taageero cad ka helaya Xizbullah, waxaana uu diiday in uu bixiyo raalligelin ama is-casilo hadalka uu jeediyay awgii, taasi oo keentay dhaawicii ugu xumaa ee gaara xiriirka Sacuudiga iyo lubnaan tan iyo 2017-kii xilligaasi oo ay boqortooyadu magaalada Riyadh ku xirtay ra’iisul wasaarihii xilligaasi ee Lubnaan Sacad Al-Hariri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor