Cabsi ka jirta deegaan hoostega degmada Warsheekh

Xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Bakaaroole oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Xiisada ayaa timid kadib markii dhawaan dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Xawaalo Odayaal ee duleedka Warsheekh, kaasi oo salka ku haayay arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana xiligaas kadib deegaano hoostega degmadaas kasoo cusboonaaday xiisad colaadeed.

Dadka deegaanka Bakaaroole oo la hadlay ayaa sheegay inay jirto cabsi xooggan oo ku aaddan inuu dhaco fal la xiriira aano qabiil, isla markaana waxaa halkaas isaga tegay gebi ahaan raggii ku sugnaa sida dhalinyrada iyo Odayaasha, xitaa waxaa horey loo sii waday Caruur da’yar.

Illaa iyo hadda ma jiro wax dadaalo ah oo socda, isla markaana lagu kala dhex-galayo beelaha walaala ah ee colaada  u dhexeeyso, in kastoo uusan jirin wax dagaal ah, balse cabsi labada dhinac ah ayaa jirto.

Dhinaca kale deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Warsheekh ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo qabtay dad farabadan, kuwaasi oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarkii 8-dii bishaan lagu dilay Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay, kaasi oo ka dhacay tuulada xalluule.

Deegaano iyo degmooyin hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana dagaal beeleedyada qaarkood lagu guuleystay in xal laga gaaro, halka kuwo kalena aan weli la xalin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media