Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Dr.Fabian Loewenberg ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Suleymaan Maxamed iyo Dr. Fabian Loewenberg ayaa ka wada hadlay arrimaha hormarinta xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta xeer-ilaaliyaha guud iyo EUCAP.

Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu xeer Ilaliye Suleymaan Maxamed ka balan qaaday uu ka qeyb qaadan doono hirgalinta Istiraatigiyada Xafiiska 2010-2023 ee Xafiiska  Xeer-ilaaliyaha Qaranka

“Wadda sheekaysi iyo is xog weraysi kadib Dr. Fabian Loewenberg iyo annigu waxaan isku af- garanay inay muhiim tahay in la xoojiyo habka  hirgalinta Istiraatigiyada 2010-2023 ee Xafiiska  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayuu yiri Suleymaan Maxamed Maxamuud.