Xeer ilaaliyaha Guud ee Mareykanka oo shaaciyay War halis ku ah Trump

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa sheegay in waaxdiisa cadaaladda aysan helin wax caddeyn ah oo ay ku taageerto sheegashada Madaxweyne Donald Trump ee musuqmaasuqa doorashada 2020-ka.

Mr Barr wuxuu ka mid yahay dadka aadka ugu dhow Madaxweynaha iyo xeer ilaaliyeyaasha loo igmaday inay baaraan wax isdaba marinta la sheegay Laakiin wuxuu sheegay inuusan arkin wax dhanka kale u rogi kara guusha Joe Biden.

Mr Trump wuxuu sii waday sheegashooyinka aan salka lahayn ee ah in doorashada lagu shubtay waxa uuna gaashanka u daruuray inuu qirto in laga guuleystay. Wuxuu kulan Aqalka Cad kula qaatay Mr Barr.

Qareenada madaxweynaha (Rudy Giuliani iyo Jenna Ellis) ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha guud uusan wax badan ka qaban baaritaanka, waxayna wacad ku mareen inay sii dagaalamayaan. Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu dhabar jab weyn ku yahay Madaxaweyne Trump, kaasi oo ganafka ku dhuftay inuu aqblo in laga guuleystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media