Xeer Ilaalinta Puntland oo Dacwad ka gudbisay Xildhibaan Su’aal weydiiyay Saciid Deni

Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland ayaa Guddoonka Baarlamaanka Puntland u diray waraaq uu kaga Codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad isla markaana ay ogolaadaan in lagu soo oogo dacwad ciqaab ah

Xildhibaanka ayaa dhawaan furitaankiii Kalfadhiga 45-aad Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Su’aallo waydiyey Madaxwayne Saciid Cabdulalahi Deni.

Cawil Xasan Daad ayaa bilowga todobaadkan Su’aal la xiriirta dhanka amniga weydiiyay Madaxweynaha Puntland, taasi oo buuq  ka dhex dhalisay fadhiga Baarlamaanka, iyadoona Madaxweyne Deni Su’aashaas si adeg uga Jawaabay, kadiba isaga oo careysan ka baxay Hoolka Baarlamaanka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka baxay Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media