Xasuus qaran oo loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay Weerarkii October 14 2017

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14 October 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Xunbaha Golaha Wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheledii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Kulankaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadka ku dhibaatoobay qaraxyada kala duwan ee Al-shabaab ay dalka ka gaysteen.

Dhanka kale, Shir ay Golaha Wasiirada ayaa ka dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor