Xasan Sheikh oo si kulul uga hadlay Ciidanka Dwoalddu ay gaysay Gobolka Gedo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ay walaac  xooggan ka qabaan sida dowladda dhexe ay ula dhaqmayso Musharixiinta, isagoo tilmaamay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay sharciga ku tumanayaan, aysana ilaalinayn sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla.

Waxaa uu si gaar ah Madaxweyne Farmaajo uu ugu eedeeyay in uu ku dhaqmayo arrimo u muuqda cabsi galin siyaasadeed, waxaana intaas ku daray in hadda uu luminayo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen, isagoo sheegay in Farmaajo uu ku sifoobay xukun jacayl.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay arrimo ku aaddan Ciidanka ay Dowladda Soomaaliya ku daabushay, waxaana uu sheegay in taasi ay tahay waddo qaldan,waxaana uu sheegay in Ciidankaasi aysan wax maslaxo ah ugu jirin shacabka, waxaana marin habaabin uu ku tilmaamay talaabada ay dowladdu Ciidanka u gaysay Gobolkaasi, “Kuwa Reer Gedo aan ahayn inta la qaado oo la geeyo,Kuwii Reer Gedo ahaana  Xamar loosoo qaado lana yiraahdo kaalaya adeerkiin baa difaacaysaane,waa dhaqan nin xikmadi ka dhamaatay Madaxweyne Xikmaddii ayaa kaa dhamaatay” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa horay eedeymo kulul ugu jeediyay dowladadda hadda talada haysa, waxaana dhowr jeer ay baaqyo is dabajoog ah u direen Madaxweyne farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media