Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) ayaa kulan la yeeshay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Feder.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Siyaasadda dalka, gaar ahaan Marxaladda kala guurka ah ee dalku Marayo, waxaana la isku soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho la isku raacsan yahay.
Xasan Sheikh ayaa u mahad celiyay Safiirka, waxaana uu kaga mahad celiyay taageerada UK ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.