Xasan Sheikh “Farmaajo waa inuu ka waantoobaa Carqaladeynta dadaalada Ra’iisul Wasaaraha”

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa war kasoo saaray Go’aankii R’iisul Wasaare Rooble xilka kaga qaaday Taliyihii Hay’adda Naabd Sudidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, sidoo kalena waxaa uu hambalyo u diray Agaasimaha Kumeel gaarka ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Huud Bashiir Maxamed Jaamac.

Hassan Sheikh ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, isagoo tilmaamay in jiritaanka hay’ado ammaan oo aan Ra’iisul Wasaaraha ka amar qaadanna ay albaabka u fureyso xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur.

Waxaa uu ugu baaqay dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada in ay garab istaagaan dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayuu usoo jeediyay madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud in uu ka waantoobo carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday.

 

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor