Xasan Sheekh oo War kasoo saaray xilka qaadistii xubno ka tirsanaa Guddiga Khilaafaadka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku boggaadiyey dadaallada uu ku xaqiijinayo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.

Xasan Sheekh oo Qoraal soo dhigay bartiista Facebook ayaa waxaa uu tallaabo muhiim ah ku tilmaamay xilka qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh in xilka qaadista la sameeyay ay tahay tallaabo kale oo horey loogu qaaday sixitaanka khaladaadka khalkhalka geliyay doorashada, isagoo Guddiga ka dalbaday in ay u hoggaansamaan habraacyada lagu heshiiyay.

“Wax ka bedelka xubnaha Guddiga Khilaafaadka waa tallaabo kale oo loo qaaday sixitaanka khaladaadka khalkhalka geliyay doorashada. Guddiyadu waa in ay u hoggaansamaan habraacyada lagu heshiiyay. Waxaan ku boorrinayaa RW ha in uu wax ka qabto  qodobada kale ee toosinta u baahan isagoo la kaashanayo dhinacyada ay quseyso” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta shaqada ka eryey 7-xubnood oo ka tirsanaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku milmeen Arrimaha siyaasadda dalka, sidoo kalena wuxuu Rooble magacaabay xubno kale oo kamid noqonaya Guddiga Khilaafaadka…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor