Xasan Sheekh oo ka hadlay Hadalkii kasoo yeeray Xaliimo Yareey

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka hadlay Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Xasan Sheekh oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa.

Waxaa uu Xasan Sheekh u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay ugu horreeyaan Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, Mahad Salaad iyo Xildhibaan Carabow, kuwaasi oo door weyn ka qaatay sidii loo ansixin lahaa Mtetelaada Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ahaa in xiligaan dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod ah ayna u baahan yihiin 13-bilood oo dheeraad ah.

Sidoo kale Xasan ayaa waxaa uu tilmaamay in hadalka Guddoomiye Xaliimo Yareey laga dheehan karray muddo kordhin riman muddo kordhin kale oo uu la jeedo in muddo ay sameeysteen Madaxda Dowladda haatan talada dalka heysa.

“Hadalkii shalay Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu kahor sheegay Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa laga dheehan karay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Si kastaba Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey ayaa shaacisay in xiligaan aysan qaban karin Doorasho qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, isla markaana Guddiga Doorashooyinka ay u baahan yihiin 13-bilood, si ay u qabtaan Doorasho qof iyo Cod ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media