Xasan Sheekh oo ka hadlay Guushii Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo Maanta loo doortay xilka Guddoomiyenimo ee Guddigaas.

Xasan Sheekh oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Alle uga baryay Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku hoggaamiyo hirgalinta doorasho hufan oo la isla oggolyahay, isla markaana waxa uu ku baaqay in la garab istaago.

“Hambalyo guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Geelle Yuusuf. Alle ha u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay. Waxaan u rajeynayaa in uu guddiga ku hoggaamiyo hirgalinta doorasho hufan oo la isla oggolyahay. Dhammaan qeybaha bulshada waa in ay ku garab istaagaan xaqiijinta hadafkaas wayn” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Muuse Geelle oo doorashadii Maanta helay 14 Cod ayaa horey u soo noqday Guddoomiyihii KMG-ka ee Guddiga doorashada, waxaana haatan uu bedelayaa Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo xilka qaadis lagu sameeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor