Xasan Sheekh oo ka hadlay Go’aankii dib u dhigista Dacwadda Badda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka hadlay Go’aankii shalay Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ay markii saddexaad dib ugu dhigtay dhageysiga Dacwadda Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay Dacwada Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya ay taagan meeshi ay uga tageen Afar sano ka hor, isla markaana uusan jirin wax isbedel ah oo ku yimid arrintaas.

Waxaa uu sheegay in Dacwada badda ay hogaaminayeen Qareemo Caalami ah oo Soomaali ah oo ay ka mid tahay Muno Sharmaa,  isla markaan meesha laga saaray oo ilaa iyo hada aysan dad lagu bedelay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waxaa shaki badan ka muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ogolaatay dib u dhigista dacwadda, isagoona ku eedeeyay in shacab ay been u sheegayso iyadoo tilmamaysa inay diidanayd dib u dhigista, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dacwada Baddu 4sano ku dhawaad waxay taagan tahay meeshii aan uga tagnay waxaana dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal heshiis ku yihiin markii kowaad , labaad iyo sadexaad waxaa la aqbalay codsiga kenya oo kaliya Arintaasi sax mahan hadii ay jirto oo dowladeenu diidanayd dib u dhigista dacwada cadamaymaha hala wadaagto shacabka hadal kaliya looma baahne” ayuu yiri Xasan Sheekh Xasan.

Maxkamadda ICJ ayaa markii saddexaad dib u dhigtay dhageysiga Dacwada Badda ee u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona Maxkmadda ICJ caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda, sababo la xiriira xanuunka Feyruska Karoona.

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media