Xasan Sheekh oo DFS uga digay in ay farageliso Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah hoggaanka madasha xisbiyada qaran ayaa ka hadlay Doorashooyinka iyo Marxaladda kala guurka Siyaasadeed ee Dalka.

Waxa uu si qota dheer uga hadlay xaaladda Siyaasadeed so gaar ah doorashooyinka iyo shirka madaxda maamul gobaleedyada ee Dhusamareeb ka socda waxaana uu ku bogaadiyay maamulada dalka ka jira doorka ay ka qadanaayaan hagaajinta wadanka isaga oo soo dhaweeyay shirkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa adkeeyey in Madasha Xisbiyada Qaran ka digeyso in dowladda Fedraalka Soomaaliya ay fara geliso ama carqaladeyso shirka Dhuusamareeb.

Dhinaca kalana waxa uu soo hadal qaaday go’aankii kasoo baxay xukuumadsa Soomaaliya iyo madaxtooyada kaas oo ahaa in doorashada ay waqtigeeda ku dhaceyao muddo kororsina aanu jirin,isaga oo sii raaciyay in aan lagu kalsoonaan karin hadalkaas soda uu yiri.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media