Gelinka dambe ee Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ay bilaawdo dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeysa Kenya iyo Soomaaliya oo muddo sanado ah soo jii-tameysay.
Qareenada matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda, iyadoo dowladda Kenya ay shalay shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa Maxkamada ICJ.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay dacwadda baddan ee Maanta ka bilaabaneysa Maxkamadda Cadaalada ICJ ayaa ayaa waxaa uu guul u rajeeyay qareenada difaacaya badda Soomaaliya.
Musharax Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la garab istaago oo meel la iska dhigo waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay, isla markaana difaaca badda ay tahay mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah.
“Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay. Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah” ayuu yiri Xasan Sheekh oo Qoraal soo saaray.
Si kastaba Qareenada u dooda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Hague ayaa ah kuwo aad u diyaarsan, isla markaan ka qeyb galaya dhageysiga dacwada muranka badda eek a bilaabaneysa Maxkamadda ICJ.