Xarunta Guddiga ka hortega COVID-19 ee Galmudug oo la daah-furay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay Xarunta ay ku shaqeyn doonaan Guddiga ka hortega iyo faafida Cudurka Coronavirus ee Galmudug.

Munaasabadda furitaanka Xarunta ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb, kuwa Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta oo goobta ka hadashay ayaa sheegay in Galmudug ay si dhab ah u bilaabeyso tilaabooyinka ka hortaga xanuunka COVID-19, isla markaana dadka si buuxda looga wacyi-gelin doono Cudurka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dowlad Goboleedyada dalka ka jira ku wareejisay qalabka Caafimaad ee looga hortego faafida Cudurka Coronavirus oo sameeyay aduunka dhan.