Xarun Maxkamad oo Maanta laga daah-furay Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan Baari, oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdi khadar Maxamed Xasan ayaa Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Munaasabada Furitaanka Xarunta Maxkamada Boondheere waxaa Goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad, Garsoorayaal iyo Maamulka Degmada Boondheere.

Guddoomiyaha Maxkamadda Boondheere Maxamed Aadan Cismaan ayaa ku shaqeyn doona Xarunta Maxkamadda Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Waxaa uu Guddoomiye Maxamed Aadan Cismaan u mahadceliyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka, wuxuuna tilmaamay inay Maxkamadda la furay ugu adeegi doonaan shacabka Garsoorka u soon doonta.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maxkamadda Gobalka Banaadir mudadii uu joogay Maxkamadda Racfaanka waxuu dib u furay Maxkamadda Degmada Shibis, Maxkamadda Degmada Kaxda iyo Maxkamada Degmada Boondheere.