Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud oo la Duqeeyay iyo DF oo War kasoo saartay

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay in la duqeeyay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland.

War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka xun tahay falka lagu duqeeyay Xarumaha Hormuud, waxaana tacsi loo diray Shirkadda oo duqeynta kasoo gaartay waxyeelo burbur ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameeyneyso Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee dowladda Soomaaliya ka taageera howlgalada amniga, si dowladda ula wadaagto dareenkeeda, loona ogaado sababta loo duqeeyay Xarumaha Shirkadda.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa tilmaamtay in dowladda Federaalka ay baaritaano rasmi ah ku sameeyn doonto dhacdooyinka soo noq-noqday ee lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona Wasaaraddu u mahadcelisay saaxiibada ka taageera amniga.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee xilgaarsiinta laguma sheegin cidda duqeynta u geysatay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, hayeeshee waxaa loo maleynayaan inay yihiin diyaaradaha Kenya oo dhowr jeer oo hore duqeeyay Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

Hoos ka Akhriso Warka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor