Xaladda Cunta la’aanta ah ee Ethopia ka jirta oo war laga soo saaray

Warbixintii ugu dambaysay ee ay ha’adda cuntada aduunka ee WFP xafiiskeeda Itoobiya ka soo saartay wax ka qabashada xaaladda abaaraha ee dalkaa ka taagan ayay ku sheegtay in dad ka badan todoba milyan oo qof ay halis ugu jiraan cunto la’aan.

Waxa ka mid ah dadkaas 3.3 milyan oo qof oo ku nool dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo halis ugu jira in cunto yarida soo food saartay noqon karto macaluul.

Hay’addu waxay sheegtay in ay wado gargaar degdeg ah oo nolosha dadkaas lagu badbaadinayo oo deegaanka la gaarsiiyey cunto lagula tacaalayo nafaqa-darrada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor