Xal laga gaaray khilaaf ka dhex jiray gaadiidlayda Sh/dhexe iyo maamulka Gobolka

Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa kulan la qaatay guddiga Gaadiidleyda Gobolka, kaasoo looga hadlaay sidii la isaga kaashan lahaa adkeenta amniga Gobalka iyo tabashooyin ay kala qaben labada dhinac, iyadoo kulanka inti uu socday ay isku afgarteen muhiimada ay leedahay Iskaashiga amniga

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay la shaqeen doonaan gaadiidleyda Gobolka,  waxaana guddiga dhankooda la faray inay door ka qaatan sugidda Amniga

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in guddiga gaadiidley wixii tabasha ah ee ay ka qabaan ciidamada xal lagaa gaaray, ayna la shqeen doonaan Guddiga gaadiidleyda si gacana looga siiyo inay nabad ku safraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media