Xaaskii uu ka geeriyooday Madaxweynihii dalka Haiti oo u dhooftay Maraykanka

Martin Moise iyo Carruurteeda ayaa la sheegay inay gaareen Gobalka Florida ee K/Bari ee dalka Maraykanka.

Wakaalladda Wararka Haiti 24 News Agency ayaa sheegtay in Xaaskii Madaxweynihii hore ee dalka Haiti, Jovenel Moise oo dhaawacan la filayo inay la xiriirto Isbitaalka, si ay u sii wadato Daaweyntii u socotay.

Bishan July 17-dii ayey dib ugu laabatay dalkeeda hooyo, iyadoo ka qeyb gashay Aaska Saygeeda oo bishan July 7-dii lagu toogtay gurigiisa.

Booliska Haiti waxay sheegeen in la aqoonsaday 28-kii Eedeysane ee dilay Madaxweynihii dalkaasi, lana soo xiray 26 ka mid ah Eedeysanayaasha oo ay ku jiraan 18 u dhashay dalka Kolombiya iyo 3 Maraykan ah.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay xaqiijiyeen in 7 ka mid ah Eedeysanayaasha u dhashay Kolombiya ay tababar Milliteri ku soo qaateen gudaha Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor