Xaaskii Jamaal Khashoggi oo laashay casuumaad uu Trump u fidiyey
Hatice Cengiz waxay hadalkaasi ku sheegay Wareysi ay maanta siisay Telefishinka Turkiga ee Haberturk.
Wareysigooda oo ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii saygeeda la dilay bishan October 2-dii, waxay xustay inaysan aqbali doonin caduumaada uu u fidiyey Donald Trump, ilaa ay Maraykanka daacad ka noqonayaan dadaalka baaritaanka ee dilka saygeeda, Jamaal Khashoggi.
Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey inay Dowladda Sacuudiga la soo xiriireen waxay sheegay inaysan la soo xiriirin, waxayna carrabka ku dhuftay inaysan Sacuudiga tegi
doonin haddii maydka Jamaal Khashoggi lagu aasayo Sacuudiga.
Hatice Cengiz waxay ilmeysiisay inta ay la hadlaysay Telefishinka, kadib, markii wax laga weydiiyey markii uu saygeeda galay dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaalladda Istanbul.
Waxay sheegtay inuusan saygeeda wax shaki ah ka qabin in lagu dhibaateeyo Qunsulliyada lagu dhex dilay.
Ugu dambayn waxay ku baaqday in Baaritaan Caalami ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Jamaal Khashoggi