Xaaska Madaxweynihii la dilay ee Haiti oo dib ugu laabatay hoygeeda

Martine Moïse oo horey loogu dhaawacay weerarkii bishan July 7-dii lagu dilay Saygeeda, Jovenel Moïse ayaa  la sheegay inay dib ugu laabatay Hoygeeda gaarka, kadib, markii lagu soo daaweeyey Isbital ku yaalla magaalladda Miyaami ee dalka Maraykanka.

Martine Moïse oo soo kireysatay Diyaarad Khaas ah ayaa waxay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Port-au-Prince .

Ra’isul-wasaaraha Ku-meel-gaarka ee dalka Haiti, Kaluwde Josef iyo Saraakiil kale ayaana soo dhaweeyey Carmalada oo wadatay Dhar madow iyo Jaakadka aysan xabbaduhu ka dusi Karin, iyadoo uu xariga madow uu kaga xirnaa gacanta Midig.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda Haiti waxay shaaciyeen in maydka Madxweynihii hore, Jovenel Moise bishan July 23-ad lagu aasi doono magaalladda Keeb Haytiyan oo ku taallo Waqooyiga dalkaasi, iyadoo Xaaskii uu ka geeriyooday la rajeynayo inay goobjoog ka noqoto Aaskiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor