Xaalado Cudurka COVID-19 ah oo Maanta laga diiwaan-geliyay Dalka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19. Hal bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 32 kamid ah bukaannda cusub ay rag 19-na haween. 10 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntland, halka 2 qof ay ku suganyihiin Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa cudurka ka bogsooday 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media