Xaalado adeg oo ka taagan deegaan ka tirsan G/Mudug

Deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga soo warinayaa xaalado adag oo xagga nolosha ah, waxaana kordhay khasaaraha soo gaaray bulshada Deegaankaas.

Walaac xooggan ayaa  ka soo yeeraya bulshada, taasoo la xariirta dhanka roob xooggan oo halkaa ka da’ay wali wax ka badan 500 oo qoys ayaa banaanka ka jooga deegaanka kaddib saamayn ka dhalatay roobkaas oo guriyihii qaar dumiyay halka inta hartayna biyo  buux dhaafsheen.

Wasiir hore Galmudug Maxamed Soomali ayaa sheegay inay Bacadweyne ka jirto xaalad halis ah oo dhalin karta inay cuduro ka dilaacaan deegaanka, haddii aysan helin gurmad beni’aadannimo.

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku baaqay in lala soo gaaro kaalmo dhinac kasta leh, maadaama ay heysato xaalado adag oo xagga nolosha ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa soo sheegaya  in qoysas badan ay hooy la’aan heyso, maadaama guryahooda ay daadku qaadeen oo ay bur buriyeen,  waxayna daris la noqdeen qoraxda iyo qabowga habeenkii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media