Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb oo saaka degan iyo wararkii ugu dambeeyay

Waxaa saaka degan xaaladda guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug oo shalay dagaal saacado socday ku dhexmaray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askarta dagaalantay, waxaana Isbitaalada Magaalada la geeyay dad qaba dhaawacyo, kuwaasi oo lala tacaalayo.

Dadkii ku barakacay dagaalka ayaa saaka dib ugu soo laabanaya guryahooda, maadaama  uusan socon dagaal, isla markaana xaaladda Dhuusamareeb  ay tahay mid degan oo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin Magaalada.

Dadka deegaanka ayaa se weli ka cabsi ka qaba in mar kale iska horimaadyo ka dhacaan magaalada. Maamulka Galmudug ayaa dhankooda sheeganaya inay gacanta ku hayaan magaalada halka kooxdii soo weerartay, ee Ahlusunna Waljamaaca weli wax war ah dhankooda aaney ka soo saarin dagaalkan.

Magaalada ayaa laga dareemayaa saameynta dagaalka oo waxaa yar dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka dadweynaha, waxaana shalay jiray guryo ay ku dhaceen madaafiicdii iyo hubkii kale ee la isku ridayay.

Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa  hadda joogan deegaan lagu magacaabo Sangooy oo u dhow Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalana u dhow deegaanka Bohol oo ah halkii ay horey ugu sugnaayeen Ciidamada Ahlusunna,tan iyo markii laga saaray Magaalada Guriceel.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor