Xaaladda Magaalada Boosaaso oo saaka dagan iyo Wararkii ugu dambeeyay

Waxaa saaka xaalad daganaasho ah laga dareemayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad u dhexeeysa Ciidanka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF -ta ee Maamulkaas.

Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeday ayaa xalay ka socday Boosaaso, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay, waxaana la sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland lagu arkayey meel ku dhow xaafadda Ridwaan oo ay ku taallo Xarunta Ciidamada PSF.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa soo weriyey in dadka deegaanka qaarkood ay soo wajahday cabsi dagaal ka dhex dhaco Ciidanka Maamulka iyo kuwa PSF, kadib markii lagu guuleysan waayay xalinta xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Isimada Puntland ayaa habeen hore soo saaray Go’aan lagu doonayey in lagu xaliyo xiisada Boosaaso, hayeeshee Madaxtooyada Puntland ayaa ka hortimid, waxaana Agaasime Diyaano la faray inuu wareejiyo xilka.

Todobaadyado kahor ayey markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF JMaxamuud Cismaan Diyaano, balse uu Diyaano kasoo horjeestay xilka qaadista, kuna tilmaamay mid sharci darro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor