Xaalad cabsi ah oo ka taagan Boosaaso iyo Rasaas la maqlayo

Wararka ka imaanaya Magalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlayo Magalada, sidoo kalena waxaa lasoo sheegayaa saan saan dagaal iyo xaalad kacsanaan ah.

Xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso ayaa timid kadib markii Ciidamo la sheegay in si gaar ah ay uga amar qaataan madaxweynaha maamulkaasi Siciid cabdullaahi Deni ay weerar ku qaadeen Ciidanka PSF-ta, oo ku taalla Magaalada Boosaaso.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in hadda xaaladdu kacsan tahay, waxaana la maqlayaa Rasaas goosgoos ah oo labaa dhinac ay isku adeegsanayaan.

Dadka shacabka ah ayaa ee kun nool xaafadaha ay hadda Xiisaddu ka taagan tahay ayaa siaga baxay guryahoodii, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku uu sameeyn ku yeesho, waxaana socda Rasaas ay is dhaafsanayaan laabda dhinac ee is hor fadhiya.

Wali wax khasaaro ah lama sooo sheegin,sidoo kalena lama ogaan karo, maaddaama ay adagtahay in la tago aagga la isku hor fadhiyo.

Tan iyo markii xilkii laga qaaday Talihii Ciidanka PSF ta Puntland waxaa isi-soo tarayay iska hor imaadyada iyo khilaafka Cirka isku sii shareraya ee u dhexeeya Taliska PSF ta iyo Madaxtooyada Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor