Xaaf oo xalay dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb kana hadlay safarkiisii Gaalkacyo

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug iyada oo si diiran loogu soo dhaweyay magaalada.

Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maalin ka hors afar ku tegay magaalada Dhuusa Mareeb hase’ahatee waxa uu ku baxay safar deg deg ahaa oo uu ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug o muddo kooban uu ku sugnaa.

Waxa uu ka hadlay safarkii uu ku tegay magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegay in arrimo isaga gaar u ah uu ahaa isla markaana aysan la xariirin arrimaha Galmudug waxaana bilaabanaya kulamadii kala duwanaa ee lagu dhameystiray khilaafkii ka dhashay doorashidii madaxweynaha Galmudug.

Axmed Ducale Geelle Xaf ayaa maalin ka hor magaalada Dhuusa Mareeb uga dhawaqay in uu ka tanasulay arimha Galmudug isla markaana wixii xilligaan ka dambeeya Galmudug ay tahay mid sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media