Xaaf oo Maanta tegaya Dhuusamareeb iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka soo ambabixi doona Magaalada Gaalkacyo.

Xaaf ayaa waxaa Safarka uu ku tegi doono Dhuusamareeb ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmo kahor gaaray Gaalkacyo, isla markaana kulamo kala duwan la qaatay Xaaf.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug kala hadlay Arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo xalinta Cabashada uu ka qabo Doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xildhibaanada ay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ka dalbadeen inuu ka qeyb galo Munaasanadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaana uu xilka ku wareejiyo.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qabana-qaabada soo dhaweynta Xaaf, waxaana markii uu tego halkaas uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweyne Qoorqoor, kuwaasi oo lagu xalinayo cabshooyinka jiray iyo Arrimo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media